Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Oo Hambalyo U Diray Xuska Toddoba Iyo Labaatan Guurada Aasaaska Ciidanka Booliska

 

02/02/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa bogaadiyay guud ahaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Munaasibada Sannad guuradii 27-aad ee aasaaska ciidankaas oo beri ku beegan awgeed.

War ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, soona gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in taliyuhu hambalyo iyo bogaadin u diraayo dhammaan ciidanka qaranka iyo qoysaskoodaba, iyadoo ay ku beegan tahay maalintii beri ah Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu dhammaan ciidanka qaranka u rajeeyay in sannadkan, sannadkiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar.

 

Leave a Reply