Hoobiyeyaal Xalay Lagu Garaacay Magaalada Dhuusamareeb

 

02-02-2021

 

Inta la xaqiijinayo afar ruux ayaa ku dhaawacantay tiro hoobiyayaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Maamul Gobolleedka Galmudug, halkaa oo ay ku sugan yihiin Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxweynayaasha Mamul Gobolleedyada.

Ilaa toban madfac oo loo adeesaday qoriga hoobiyaha ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaceen qeybo kamid ah Xaafaddaha Degmada Dhuusa-Mareeb iyo xarumo ay degganaayeen mas’uuliyiin katirsan Galmudug.

Dadka hoobiyeyaasha ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusa-Mareeb, iyadoo dhinaca kalana ay saameyn ku yeesheen madaafiicdan shirar u socday xalay qaar kamid ah mas’uuliyiinta ku sugan Dhuusa-Mareeb oo qaarkood laga soo wareejiyay halkii ay deggenaayeen. – Daafeet News

Leave a Reply