Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Degay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

 

02-02-2021

 

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goordhow waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo wafdi uu hoggaaminayaay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka oo gelinka dambe ee maanta la qorsheeyay inuu furmi doono.

Wafdiag Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goorsii horeysay oo maanta ah gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana kasii horeeyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in daqiiqado kadib uu gaaro Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana waxaa halkaas ka socota qaban qaabadii lagu soo dhaweynayo.

Shirka ayaa waxaa ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna furmi lahaa shalay, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, inkastoo qorshahu ahaa inuu socdo muddo saddex maalmood ah.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply