Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

 

02-02-2021

 

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor )iyo Xubnihiisa Gollaha Wasiirradda.

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa sidoo kale inuu gaaro Magaalada Dhuusa-Mareeb, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana galinka danbe ee maanta lagu waddaa in uu ka furmo shir looga arrinsanayo doorashada dalka iyo dhameynta wixii khilaafaad ah ee jira. – Hiran Online News

Leave a Reply