QM, Qatar Iyo Turkiga Oo Si Kulul U Cambaareeyey Weerarkii Hoteel Afriik

 

01-02-2021

 

Howl-galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha geystay ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday qarax lagu soo xiray gaari iyo mid toos ah ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Aad ayaan ugu xumahay weerarkaasi arxan darrada ah oo lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan si weyn ayaana u cambaareynayaa falkaasi oo ah mid argagixiso,” sidaasi waxaa yiri Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James swan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa u tacsiyeysay ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkaasi.

Qoraallo ka soo kala baxay Wasaaradaha Arimaha Dibadda ee labadaasi wadan ayaa waxaa lagu sheegay in ay si weyn ugu xun yihiin weerarkii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Turkiga iyo Qatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday Hoteel Afriik ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Dowladaha Qatar & Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay xoojin doonaan taageerada dhinaca ammaanka ee ay siiyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply