Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

 

01-02-2021

 

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoona kasoo ambabixi doona caasimaddaha magaalooyinkooda.

Madaxda ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galaya Shirka Wadatashiga ah ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo looga hadli doono Xaaladda Dalka iyo Khilaafka weli ka taagan Qabsoomida Doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin Arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo Arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Puntland Saciid Deni ayaa saacadaha soo socda ee maanta ka tegi doona Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan shirka, waxaana socoto qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban doorashada, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona Sugida Amniga ay iska kaashanayaan Laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan. – Shaaciye News

Leave a Reply