Jeneral Galaal Oo Lagu Dilay Weerarkii Hotel Afrik

 

01-02-2021

 


Jeneral Galaal

 

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa kamid noqday dadkii ku dhintay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Geerida Jeneral Galaal ayaa waxaa VOA u xaqiijiyey mas’uuliyiin katirsan hoteelka la weeraray.

Hotelka ayaa dhanka kale waxaa laga soo bad-baadiyey saraakiil kale oo ay kamid yihiin General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo Labo Afle.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah iyo askar, inkasta oo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Hoteelka Afrik, oo ku yaalla waddo aada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. – VOA Somali

 

Leave a Reply