Golaha Guurtida Somaliland Oo Saaka Kulan Deg-deg Ah Iskugu Yimid

 

01/02/2021

 

Hargeysa – Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa kulan ay saaka yeeshen ka dooday codsi ay soo gudbiyeen Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaridka, kaasi oo Golaha Guurtida lagaga codsanaye in ay waafaqan mudada ay Gudida Doorashoyinku go’aamiyen in ay ku qabsoonto Doorashada Golayasha Deeganka iyo Wakiilada oo ah 31 May 2021.

Golaha Guurtida ayaa horay mudo labo sano ah dib ugu dhigay Doorashooyinka isku sidka ee Golayasha Deeganka iyo Wakiilada, iyada oo markii danbena Gudidada Doorashooyinku ay sheegeen in doorashoyinku ay qabsoomi doonan 31 May 2021, taasi oo khilaafsan mudadi ay hore u ga’aamiyen Golaha Guurtidu.

Hadaba Madaxwayne Biixi iyo Madaxda Axsaabta Mucaridka Somaliland ayaa codsi u gudbiyay golaha iyaga oo ka codsanaye in goluhu uu Gudida Dooorashoyinka ku waafaqo xiliga ay u qorsheeyen in ay qabsoonto doorashadu.

Dood, buuq iyo sawaxan ka dhashay kadib, golaha ayaa gudi 31 xubnood ka kooban u saaray talo bixinta codsiyada ay soo gudbiyen Madaxwaynaha iyo Axsaabta Mucaridka. Golaha ayaa kulan labad ku balamay maalinta bari ah.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply