Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb

 

01-02-2021

 

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta galinkii danbe kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay

Socdaalka Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda Dowladda Federaaliga Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowladda iyo Shacabka Galmudug.

Waxaa maanta gaaray Dhuusamareeb Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyo Ra’iisul wasaare Rooble, waxaana berri tagi doono Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. – Radio Risaala

Leave a Reply