Mas’uuliyiin Laga Soo Badbaadiyay Hotelka Afrik Oo Wali Laga Maqlayo Rasaas Culus

 

31-01-2021

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee sida gaar ah u tababaran ayaa lagu waramayaa in ay ku guuleysteen soo badbaadinta qaar kamid ah dadkii ku jiray Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho oo maanta casir liiqii ay weerar culus ku qaadeen dabley katirsan Al-shabaab.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa lagu waramayaa in ay kamid yihiin Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Idhacade, iyo waliba milkiilaha hoteelka oo lagu magacaabo Xusseen Goley.

Dableyda gudaha u gashay ayaa marka laga taggo rasaasta, waxaa ay sidoo kale adeegsanayaan walxaha qarxa oo dhowr jeer laga maqlay gudaha hoteelka oo la rumeysan yahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Khasaaraha ugu weyn ayaa loo maleynayaa in uu soo gaaray ilaaladii ku sugneyd ilinka hore ee hoteelka iyo dad ku jiray gaadiid oo xiligaa taagnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Tiro rasmi ah, lagama ogo khasaaraha dhimashada iyo dhaawac, hasse ahaatee waxaa goobta taggay gaadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday dad ay wax-yeelo soo gaartay. – Hiran Online News

 

 

 

Leave a Reply