James Swan Oo Gaaray Magaalada Kismaayo Iyo Ujeedka Safarkiisa

 

31-01-2021

 

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha ayaa James Swan iyo wafdiga la socday waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoona ka wada hadli doona khilaafka ka taagan doorashada iyo sida lagu xalin karo.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo ku aadan Degaanada Dowlad Goboleedlka iyo Mashaariicda Horumarineed ee Qaramada Midoobay ka fuliso halkaas, iyagoona kadib soo saari doona War-saxaafadeedyoku saabsan kulanka.

James Swan ayaa horey kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa. – Radio Dalsan

Leave a Reply