Wakiilada Beesha Caalamka Oo Ku Baaqay In Si Deg-deg Ah Lagu Xalliyo Khilaafka Doorashada

 

30-01-2021

 

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saaray kulankii maanta Wakiilada Beesha Caalamka ay Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen taageerada la siiyo Soomaaliya iyo in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaa sharaf u aheyd inuu kamid noqdo saaxiibbada kale ee caalamka ee maanta kulanka la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’. Kulanka ayaa looga hadlay taageerada muddada dheer ee la siinayo Soomaaliya iyo sidoo kale in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maalmahaan siyaabo kala duwan ula kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka. – Radio Risaala

Leave a Reply