Duqeymo Alshabab Lagula Beegsadey Deegaano Katiran Gobolka Bakool

 

30-01-2021

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn saacadihii aynu soo dhaafnay laga fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Xoogagga Ururka Al-shabaab.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Ma’madoow oo hoostaga Degmada Xudur oo bilihii ugu danbeeyay go’doon ugu jirtay Xoogagga Ururka Al-shabaab,

Saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in duqeyntaa lagu laayay sida ay hadalka u dhigeen saraakiil katirsan Ururka Al-shabaab.

Lama sheegin halka laga lahaa diyaaradaha howlgalka fuliyay, hase ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya waxaa duqeymo cirka ka ah ka fulinayay Diyaaradaha Mareykanka. – Daafeet News

 

Leave a Reply