Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegay Inuu Si Rasmi Ah U Bilaabmay Mashruuca Iskaashiga Caafimaadka Ee Somaliland iyo Taiwan

 

30/01/2021

 

FILE – Taiwan Foreign Minister Jason Wu and Somaliland envoy to Taipei Mohamed Hagi formally open the new Somaliland representative office in Taipei. Photo via @MOFA_Taiwan.

 

Hargeysa (SOLNA) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay Mashruuca Iskaashiga Caafimaadka ee dalalka Somaliland iyo Taiwan.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in mashrucaasi la saxeexay dhamaadkii 2020 iyadoo uu hadda bilaabmayo.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Dawladda Taiwan, gaar ahaana Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Taiwan oo mashruucaasi qayb ka ah. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dadkii kasoo shaqeeyay mashruucaasi, gaar ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in mashruucaasi waxwayn ka tari doono guud ahaan, gaar ahaana goobaha uu ka shaqayn doono.

 

 

Leave a Reply