Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo La Kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Itoobiya

 

29-01-2021

 

Addis Ababa – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen, waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka iskuduwid oo dhinac kastaba leh iyo hor u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay kamid yihiin Arrimaha Gobolka ka taaggan iyo dunida inteeda kale. – Radio Muqdisho

Leave a Reply