Mareykanka Oo Baaq U Jeediyay Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada

 

29-01-2021

 

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa markale waxay dhinacyada Soomaalida ugu baaqday inay ka shaqeeyaan, sidii loo gaari lahaa doorasho si nabada dalka uga dhacda.

Safaaradda ayaa war ay saartay waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada loogu baaqay inay ka shaqeeyaan xal u helidda arrimaha taagan, si dalka looga qabto doorasho ay u qalmaan dadka Soomaaliyeed.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaanan dalka laga qaban karin doorasho lagu kala qabsan yahay amaba is barbar socda.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Farmaajo, Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si loo suurtageliyo doorashooyin nabdoon, oo dadka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Ma jiri karaan doorashooyin hal dhinac ah ama hannaan is barbar socda.” Waxaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda.

Mareykanka ayaa marar badan ku celceliyay inaanan dalka laga qaban karin doorasho hal dhinac ah, taasi bedelkeedana loo baahanyahay doorasho heshiis lagu yahay.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply