Jabuuti Oo Iska Fogeysay Eedeyn Ay U Jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

28-01-2021

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay dawladda Jabuuti ayaa waxaa looga hadlay eedeyn ay u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in Jabuuti ay la safatay Kenya ayna Dowlada Soomaaliya raaligelin ka rabto Dowladda Jabuuti, halka sidoo kalana lagu dhaliilay in guddiaga IGAD ee Jabuuti hoggaaminaysay in aysan dhexdhedaad ka noqon arrimaha labada dal iyo in ay qaateeen warbixin hal dhinac ah.

Dowladda Jabuuti ayaa iska fogeysay eedeynta kaga timid dawladda Soomaaliya, iyagoona sheegay in warkaasi uu yahay been abuur.

Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in guddiga IGAD warbixinta ay soo saareen ay tahay mid dhex-dhexaad ah oo si xirfad sare leh looga baaraan dagay, islamarkana ay hadda IGAD u taalo iney ka shaqeyso sidii Kenya iyo Soomaaliya loo heshii siin lahaa.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply