Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Hodan

 

27-01-2021

 

Qarax la sheegay in uu ahaa Miino ayaa Abaarre 10-kii Barqonimo (10:00 AM) ee maanta ka dhacay Degmada Hodan, gaar ahaan Suuqa Hilibka lagu iibiyo ee Beerta Jaadka Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxaas Wade Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Qooqan (Toyota Hilux), waxaana ku dhaawacmay qof kale, halka firirka Miinada ay waxyeeleysay gaarigaas sida ay Warbaahinta Hiiraan Weyn u sheegeen goobjoogayaal la hadlay.

Dadka Suuqa Hilibka ku iibiyo iyo macaamiisha wax ka iibsaneysay ayaa goobta ka kala cararay, waxaana tagay Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka sida ay Hiiraan Weyn u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa haatan lama oga cidda gaariga saarneed, iyo bartilmaameedka qaraxaasi dhacay, iyo natiijada kasoo baxday. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply