Weerar Lagu Dilay Ku Dhawaad 10-Shabaab Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Bay

 

26-01-2021

 

Baydhaba – Ciidamada Xoogga Dalka ee Qeybta 60-aad ee ka howlgasha Gobollada K/Galbeed ayaa weerar ku qaaday Deegaanka Seydheelow oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, xilli ay halkaas Al-Shabaab ku uruurinayeen waxa ay ugu yeereen Zekawaad.

Ugu yaraan 7-xubnood ayaa Al-Shabaab looga dilay weerarkaas, waxaana la sheegay in nolosha lagu qabtay illaa afar dagaalame, sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas.

Sidoo kale sarkaalkan waxa uu noo sheegay intii uu socday weerarkaas in ciidamada looga dilay laba askari, haatana ay dib ugu laabteen Magaalada Baydhaba.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Deegaanka Seydheelow waxay sheegayaan, inay dib ugu soo laabteen oo haatan ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab. – Radio Kulmiye

Leave a Reply