DF Oo Dhaawacyadii Beledxaawo Soo Gaarsiisay Muqdisho

 

26-01-2021

 

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay Muqdisho keentay ku dhowaad 20 qof oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada la keenay oo isugu jiro askar iyo shacab ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dhaawacyada oo la dhigay Isbitaaka Madiina ayaa waxaa haatan ku howlan dhaqaatiirta caafimaadka ee isbitaalkaasi.

Beledxaawo ayaa waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda iyo askar uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). – Radio Shabelle

Leave a Reply