Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Hortagay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida

 

25/01/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa hortegay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaas qaar kamid ah, ayaa guddida uga warbixiyay xaaladda waxbarshada dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa guddida warbixin ka siiyay Xaaladda Arday Reer Somaliland ee wax ka baranaayay Jaamacado ku yaala Goobolka Tigreega ee dalka Itoobiya oo ay dagaalo ka dhaceen, waxaanu wasiirku sheegay in ay jiraan jaamacado dib ula soo xidhiidhay ardayda si ay dib ugu noqdaan waxbarashadii balse arrintaasi ay digniin ka soo saareen in aanay ardaydu ku laaban; Wasaaradda Arimaha Dibadana ay wadashaqayn kala samaynayaan arrintaasi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo warbixin qoto dheer u jeediyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii Baalcad isku mid ah loogu samayn lahaa ardayda dugsiyada, sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay Manhajka waxbarshada iyo luuqada guud ee uu ku baxaayo oo Ingiriisi ah wixii ka sareeya Fasalka Afraad, isaga oo intaas ku daray in xeerka waxbarashada ee la sameeyay 2018-kii uu sidaasi qeexayo loona baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo meelaha qaarkood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, qaar kamid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha oo wasiirka ku wehelinaayay kulankaasi ayaa iyaguna halkaasi ka jeediyay warbixino la xidhiidha waxbarshadda dalka.

Leave a Reply