Wasiirka Shaqada Soomaaliya Oo Dhiggiisa Qatar Kala Hadlay Furitaanka Suuqa Shaqada

 

25-01-2021

 

DOHA (SONNA) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku gaaray xilli dambe oo shalay ah Magaalada Doha ee Xarunta Dalka Qatar, ayaa galinkii hore ee maanta la kulmay Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalkaas, Mudane Yousef Bin Mohammed Al Othman Fkhroo.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Dhismaha Awoodaha Waaxyaha Dawliga ah, Isku Xirka Suuqyada Shaqada ee labada dal iyo Furitaanka Suuqa Shaqada Qatar.

“Wuxuu muhiimad u lahaa kulankan dadaallada aan ku dooneyno inan ku xoojino awoodda Hay’adaha Dawladda gaar ahaanna Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “Qatar waa dal muhiim u ah fursadaha shaqooyinka, hadda waxaan kala xaajoonay Xirfadlayaasha iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed in loo furo Suuqa Shaqada ee dalkaas.”

Wasiir Duraan, waxaa socdaalkan ku weheliya saraakiil sare oo katirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo muddada ay halkaa ku sugan yihiin kulamo la qaadanaya saraakiisa sare ee dalkaas.

Leave a Reply