Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Amar Iyo Digniin Siiyey Taliyeyaasha Muqdisho

 

25-01-2021

 

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay Xaruunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana looga hadlay dardargalinta amniga magaalada.

Wasiirka Amniga ayaa Saraakiisha Amniga faray wax ka qabashada Falalka Amni Darro ee soo kordhay iyo inay Mas’uuliyad iska saaraan Amniga Magaalada Muqdisho sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Saraakiisha Amniga lagula xisaabtamayo Falalka Amni Darro ee ka dhaca degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo loo geystay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply