Maxkamadda Ciidamada Oo La Horkeenay Rag Loo Heysto Al-Shabaabnimo

 

25-01-2021

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Qeybta 27aad ayaa maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay rag loo heystay kamid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab.

Ragga oo gaarayay 5 Xubnood ayaa Mas’uuliyiinta Maxkamadda waxaa ay sheegeen in laba kamid ah qirteen inay katirsan yihiin Al-Shabaab, halka saddexda kale ay beeniyeen.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 5 eedeysane, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Qeybta 27aad, Garyaqaan Amiin Daacad ayaa sheegay in Fadhiga Maxkamadda uu maanta intaasi ku egahay, isla markaana Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,Qeybta 27aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu ridaycCiidamo kamid ah kuwa dowladda iyo rag ka tirsan Al-Shabaab. – Radio Risaala

Leave a Reply