Ciidanka Dowladda Oo Markale Dagaal Ku Qaaday Beled-Xaawo

 

25-01-2021

 

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dagaal rogaal celis ku qaadeen qeybo kamid ah Degmada Beled-Xaawo oo ay xalay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen Ciidamada Gorgor, wuxuuna xoogiisa haatan ka socdaa, halka loo yaqaano Buurta Magaalada Beledxaawo iyo xaafadda UK.

Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka dib uga qarxay Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo. – Radio Shabelle

Leave a Reply