Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Saraakiil Ciidan Kula Kulmay Jowhar

 

24-01-2021

 

Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Saraakiisha Ciidamad Xoogga Dalka iyo kuwa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Qeybta 27aad.

Guddoomiyaha gobolka ayaa Guddoonka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ka codsaday inay xafiis ka furtaan Magaalada Jowhar ee Caasimada Hir-Shabeelle, si shaqada Maxkamada Jowhar uga bilaabato .

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa faray iney amniga si wadajir ah uga wada shaqeeyaan saraakiisha qeybahooda kala duwan. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply