Faah-faahin: Laba Qof Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 

24-01-2021

 

Faah-faahino ayaa ka soo baxeysa laba qof oo galabta lagu dilay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadka la dilay ay mid kamida haweeney ahayd.

Rag hubeysan ayaa weeraray maqaaxi ku taala xaafadda Waxarcadde, gaar ahaan halka lagu magacaabo Shaaciye, iyagoona dilay haweeneydii maqaaxida haysatay iyo askari ka shaahayay.

Goobjooge ayaa sheegay in raggaasi ay horey u sii qaateen qori uu lahaa askariga la dilay oo katirsanaa Booliska Degmada Heliwaa.

Ciidamada Booliska oo halkaasi gaaray ayaana ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka gaystay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay goobtaasi ka qaadeen meydadka haweeneyda iyo ninkii askariga ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay ku soo badanayay dilalka ay geysanayaan ragga bastooladaha ku hubeysan.

Sabtidii shalay ayay ahayd markii saddex qof lagu dilay magaalada. Dadkaasi ayaa kala ahaa laba nin oo odayaal ahaa oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo nin askariya oo isna lagu dilay Degmada Wadajir.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply