Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan Iyo Faah-faahin Laga Helayo

 

24-01-2021

 

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ,waxaana uu ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiran.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno katirsan ururka ay xalay saqdii dhexe weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamay, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo dad shacab ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda ee Degmada Jalalaqsi weli kama hadlin dagaalka, hayeeshee Al-Shababa ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ee taageera waxaa ay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen askari katirsan Ciidamada Jabuuti.

Degaano iyo degmooyin katirsan gobolada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & kuwa AMSIOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana dagaaladaas barbar socda duqeymo ay fuliyaan diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka. – Radio Risaala

Leave a Reply