Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

23-01-2021

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay Agagaarka Sarta Beexaani, Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay dhaawacyo soo gaareen mas’uuliyiinta qaraxa lala eegtay, halka ay geeriyoodeen saddex askari oo ilaalo u aheyd.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxan ka bad-baaday Imaam Maxamed Yuusuf oo la socday kolonyada gaadiidka ah ee la qarxiyey.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen, kana sameeyey baaritaano kooban. – Radio Shabelle

Leave a Reply