Musharax Guuleed Oo Dowladda Ku Dhaliilay Inay Dayacday Amnigii Dalka

 

23-01-2021

 

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay weerarada ay kooxaha argagixisada ka gaysanayaan dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay Page-kiisa Facebook waxa uu kaga hadlay amni-darrada laga dareemay Caasimadda Muqdisho iyo sida looga gudbi karo.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka, gaar ahaan midkii caasimadda billihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay inay si weyn u soo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisada ah. Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa inay cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira.

Dowladda Federaalka ah waxaan u soo jeedinaynaa inay dib ugu celiso Saraakiisha amniga shaqadooda, si ay uga hortaggaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qaybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho, waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah inay cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waaweyn, oo u baahan in laga hortaggo, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashada, gacanta kalena cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya inay si miir-qab leh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply