Qarax Caawa Ka Dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

 

22-01-2021

 

Image is used for representational purpose only.

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa Bambo Gacmeed lagu weeraray ciidamo katirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland oo marayay Agagaarka Iskuulka Cumar Samatar ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi, sida uu soo sheegayo Weriyaha KNN (Kulmiye News Network) ee Magaalada Gaalkacyo Liibaan Cajiib Xaaji

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijitay 1 askari ayaa ku geeriyooday, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoona baaritaano hor leh ay caawa ka soconayeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply