Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Xil Ka Qaadis Iyo Xil U Magacaabis-ba Ka Sameeyay Degaanka Feerfeer Ee Soomaaliya

 

22-01-2021

 

Warar laga soo tebiyay Gobolka Hiraan oo kamid ahaa 6-dii Gobol ee Italian Somaliland (Somalia Italiana), kahor intii ay Soomaaliya ka madaxbanaanaan Gurmeysigii Itaaliya; kadibna kamid noqday 8-dii Gobol ee rasmiga ahaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uusan kala qeybin sidii uu u kala qeybiyay 7-dii Gobol ee kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa waxey sheegayaan in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu xil ka qaadis iyo magacaabis-ba uu ka sameeyay Degaanka Feerfeer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Halkan hoose ayuu yaala qoraalka kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Sideedaba, Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay ka koobnaa jirtay 8 Gobol (Jubada Hoose, Jubada Sare, Banaadir, Hiiraan, Mudug, Bari, [Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed oo hada ah Somaliland ]) markii ay abuurantay 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii.

Markaasi waxaa Habka Federaaliga u ololeyn jiray Shiikh Cali Jimcaale, Cabdulqaadir Soobe, iyo Xaaji Baraako oo aad loo mucaaradi jiray.

Waxaa xegtay in Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo kaashanayo 19 sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka; iyo 5 sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Boliiska uu Taladii Dalka Soomaaliya uu xoog kula wareego tariikhda markey aheyd 21-dii Oktoobar sanadkii 1969-kii.

Sanadkii 1971-dii waxaa uu bilaabay in Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyo 3 gobol, isagoo ka kala dhigay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

Kala qeybinta gobolada waa uu sii wadoo, ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol oo kusii saleeyay qabiil.

Gobolka keliya ee uusan kala qeybin, una suurta galin markaasi; waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan.

Hadabo halkii dib loo sixi lahaa qaladaadkaasi, ayaa hada lasii sharciyeynayaa qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxaana hada sii sharciyeynayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Sidee bey marka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin qaladaadkaasi?

Wixii war ah ee soo kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

 

Leave a Reply