21-01-2021
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeeday Dilka Guddoomiyihii Degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.
Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhigeen dhalinyaro iyo haween ka careysnaa dilka marxuumka.
Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay cadaaladda horkeento askartii ka dambeysay Dilka Guddoomiyihii degmada Hodan.
AUN guddoomiye Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa ku dhintay is-rasaaseyn xalay dhex-martay ciidamo ku sugnaa Isgoyska Howl Wadaag iyo ilaaladiisa.
Xigasho: Radio Shabelle