Wasiir Fiqi Oo La Kulmay Waalidiinta Caruurtooda Loo Qaaday Eritrea

 

20-01-2021

 

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Axmed M. Fiqi, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Taliyaasha Hey’adaha Amniga ayaa galabta kulan kula qaatay Magaalada Gaalkacyo Waalidiin isugu jira Hooyooyin iyo Aabayaal maalmahan danbe ka cabanayey caruurtoodii oo askar ahaan dalka dibadiisa loogu qaaday sanadkii hore bilowgisii.

Waalidiinta ayaa wasiirka u sheegay in wiilashoodii aysan war iyo wacaal ka haynin tan iyo sidii Dalka Eritrea loogu qaaday bishii Febraayo 2020, sidoo kalena ay welwel badan ku dhalisay Wararka Baraha Bulshada lagu wareejinayo oo tilmaamaya in wiilashoodii ay ka qeybgaleen dagaalada Ethiopia ka dhex socda, sidaas awgeed waxay Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Madaxdeeda ka dalbadeen in ay ka geystaan kaalinta uga aadan sidii wiilashooda xogta ku saabsan ee saxda ah ay ku heli lahaayeen sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiir Fiqi ayaa Waalidiinta u sheegay in uu la wadaagayo dareenka ka muuqda “Dhammaanteenna nahay waalid wax dhaley oo og xanuunka iyo welwelka uu leedahay haddii caruurteena aan weynno ama war dhiilo leh laga soo sheego. Sidaas awgeed ay Dawladda Galmudug iyo Madaxdeedu u hawlgali doonaan sidii xogta rasmiga ah ee la xiriirta wiilashooda ay u heli lahaayeen, isla markaana ay la xiriiri doonaan Hey’adaha Dawladda Federaalka ee ku shaqada leh ama haya xogta ku saabsan wiilashaas”.

Ugu danbayn shirkaas wadajirka ah wuxuu ku soo dhamaaday isfagarad.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply