Guddoomiyaha Maxkamdda Sare Ee JSL Oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Soo Biiray Golaha Wakiillada Somaliland

 

20/01/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay Mudane Axmed Cali Warsame, oo kamid noqon doona Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

War ka soo baxay Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed uu maanta dhaariyay Mudane Axmed Cali Warsame, oo ka mid noqonaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Axmed Cali Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay Golaha Wakiillada, taasi oo uu baneeyay Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo kamid ahaa Mudanayaashii Xisbiga UCID ee laga soo doortay Gobolka Sanaag, Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo tixraacaya Qodobka 78, Faqradiisa 2-aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada JSL Xeer Lr. 91/2020, oo sheegaysa nidaamka loo buuxinayo Jagada ka banaanaata Golaha Wakiilada, waxa uu u soo xulay Mudane Axmed Cali Warsame oo ah Kaydka Saddexaad ee Xisbiga UCID in uu buuxiyo jagadaasi.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 19-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo Mudane Axmed Cali Warsame jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada.

Dhaarinta kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Leave a Reply