Guddoomiyaha Gobolka Sool Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Deegaanka Jidbaale Ee Gobolka Sool

 

19/01/2021

 

Laascaanood (SOLNA) – Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay Deegaanka Jidbaale ee Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxana guddoomiyaha safarkaasi ku wehelinayay Meeyarka Degmada Laascaanood, Taliyaha Qaybta Booliska, Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in ujeedada kormeerka ay ku yimaadeen Deegaanka Jidbaale inay tahay sidii loo xoojin lahaa Adkaynta Nabad Gelyada iyo sidii loo xoojin lahaa heshiiskii dhawaan ay halkaasi ku gaadheen Beelaha Deegaanku.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay wixii lagu heshiiyay inay xukuumaddu sideeda u fulineyso. Isagoo kula dardaarmay bulshada deegaankaasi inay kusoo wargeliyaan ciddii nabad gelyada ka hortimaadda iyadoo gacan birr ah lagu qaban doono. Md Cabdiqani Maxamuud Jiidhee ayaa bulshada deegaanka Jidbaale uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay u xoojiyeen Nabad Gelyada iyo wada noolaan shaha.

Leave a Reply