UPDATE 1- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Baa Xafiiskiisa Kula Kulmay Madaxa Hurumarinta Gargaarka Ee Safaarada Iswidhen (Sweden) Ee Dalka Soomaaliya

 

19-01-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsh) ayaa lagu soo waramayaa inuu xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Hurumarinta Gargaarka ee Safaarada Iswidhen (Head of Development Aid, Swedish Embassy, Somalia Section) ee Dalka Soomaaliya Marwo Betra Ismitmaanis Dari’ (Petra Smitmanis Dry).

Warka wuxuu ku darayaa in Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hurumarinta Gargaarka ee Safaarada Iswidhen ee Soomaaliya ay ka wada hadleen doorka dalka Iwidhen uu ku leeyahay dib-udhiska dalka Soomaaliya, nabadgelyadiisa, iyo taageerida uu dalka Iswidhen siinayo dalka Soomaaliya, gaar ahaan tababarada ay Waaxda Hurumarinta Gargaarka ee Safaarada Iswidhen ee Soomaaliya ay siineyso Howl-wadeenada Dowladda Hoose ee Muqdisho; iyo sidii loo mataaneyn lahaa labada magaalo madax ee Iswidhen iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Istookholm (Stockholm) iyo Muqdisho (Mogadishu).

Dalka Soomaaliya waxaa hada Wasiir Koowaad ka ah Md. Maxamed Xuseyn Rooble oo haaysto Dhalashada Dalka Iswidhen, waxaana jagadan loo magacaabay 17-dii Sebteember, gugii dhamaaday ee 2020-kii; isagoo markaasi bedelay Wasiir Koowaadkii Hore Md. Xasan Cali Kheyre oo haaystay Dhalashada Dalka Noorwee (Norway).

Hada waxaa Dalka Soomaaliya haaysto kuwii uu soo barbaariyay Taliskii Kelitaliska Ahaa ee uu hogaamin jiray Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo afgembiga ku qabsaday Dalka Soomaaliya taariikhda markey aheyd 21-dii Oktoobar 1969-kii. Tusaale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Xoghayehii Koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Mareykanka kadib markii jagadaasi loogu magacaabay xegto ahaan isla markaana uu magacaabay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Tusaale kale waxaa ah Wasiir Koowaadka Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble oo isna kusoo barbaaray Guriga Agaasimihii Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo mar dambana noqday Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Soomaaliya isla markaana ay walaalo ahaayeen Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

 

Tusaalaha u dambeeya waxaa ah Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo isna ah inanka Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo kamid ahaa 25-kii sarkaal ee ka qeybqaatay Afgembigii 21-dii Oktoobar ee sanadkii 1969-kii isla markaana lagu bur-buriyay Hogaankii Demoqaraadiga ahaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya haaysatay; iyo guud ahaan Habkii Demoqaraadiyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Layaabka ugu weyn ee hada jiro waxaa uu yahay in Duqa Muqdisho Cumar Filish uu qeyb ka noqdo kuwii uu soo barbaariyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isla markaana uu iminka ka safto kuwa diidanaa Habka Kelitaliska oo welina sii diidan Habka Kelitaliska; oo ay iminka hogaanka u hayaan Haraagii Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply