Sheekh Shariif Oo Ka Hadlay Muranka Doorashada

 

18-01-2021

 


Sheekh Shariif

 

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in doorashooyinka dalka ay ka dib dhacaan waqtigooda.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in la dhigo gogol nabadeed si heshiis wada ogol ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo muddo xileedka baarlamanka uu dhacay 27-kii December, halka madaxweyne Farmaajo ay u hartay wax ka yar saddex toddobaad.

Warbixinta waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

DHAGEYSO Sheekh Shariif oo ka hadlay muranka doorashada

– VOA Somali

Leave a Reply