Faah-faahin Qarax Caawa Muqdisho Ka Dhacay

 

16-01-2021

 

Faahfaahino dheeraad ahaa ka soo baxaha Qarax Miino oo caawa fiidkii ka dhacay inta dhaxeysa Isgoyska Ceel-gaabta iyo Suuqyaraha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid aad xooggan ayaa waxaa laga maqlay qeybaha kala duwan ee magaalada, wuxuuna ahaa miino.

Saraakiisha amniga oo la hadlay KNN (Kulmiye News Network) ayaa sheegay in afka hore ama koofanaha ka haleeshay gaari halkaas marayay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan qaraxa, isla markaasna dadkii gaariga saarnaa ay nabad qabaan.

Sidoo kale lama xaqiijin weli cidda lala beegsaday qaraxaas, mana jirto cid faahfaahin ka soo saartay qaraxaan caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho. – Radio Kulmiye

Leave a Reply