Ciidanka Xoogga Dalka Oo Burburiyay Fariisimo Ay Al-Shabaab Ku Diyaarinayeen Walxaha Qarxa

 

16-01-2021

 

Taliyaha Qeybta 27aad ee Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed “Tareedisho” ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Guutada 3aad, Ururka 19aad ee Ciidanka Xoogga Dalka lagu burburiyay goobo ay Maleeshiyada Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Jeneraal Maxamed Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Balcad, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka irsan Al-Shabaab.

“Xalay waxaa kaloo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen deegaan 8 Km u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay dhagarqabayaashu doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Taliyaha qeybta 27aad ee Xoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply