UK: Dad Ka Bannaanbaxay Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Kaardif (Cardiff)

 

15/01/2021

 

Taliye katirsan booliska ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay iney fursad siiyaan baadhitaan madax bannaan oo lagu sameynayo waxa sababay geerida nin dhowr saacadood kahor xilligaas laga sii daayay gacanta ciidamada amniga.

Qoyska Maxamuud Maxamed Xasan, oo 24 jir ahaa, ayaa dhankooda sheegay in wiilkooda la weeraray kaddib markii lagu xidhay Magaalada Kaardif (Cardiff) ee katirsan UK.

Boqollaal ruux ayaa Talaadadii isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas, iyagoo socod ku tagay ilaa Saldhigga Booliska Kaardif Bey (Cardiff Bay), iyagoo ka cadheysan arrinta dhacday.

Ciidamada booliska iyo sarkaalka dambiyada qabilsan ee lagu magacaabo Alun Michael ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay “dulqaad muujiyaan”.

Mr Michael, oo dusha sare ka maamula Booliska Weelis (Wales Police), ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay arrinta ku saabsan in laanta dabagalka falalka booliska ee magaceeda loo soo gaabiyo IOPC ku howlan tahay baaritaanka la xidhiidha waxyaabihii dhex maray Xsan iyo booliska kahor inta uusan dhimanin maqribnimadii Sabtida.

Natiijooyin hordhac ah oo ay waaxdu soo saartay ayaa muujinaya in Xasan uusan u dhimanin dhawacyo jir ahaan uga muuqda.

Waxaa hadda la sugayaa natiijada dhammeystiran ee baadhitaankii lagu sameeyay meydkiisa.

Sida ay sheegeen Booliska Koonfurta Weelis (South Wales Police), Xasan waxaa xabsiga loo taxaabay isagoo gurigiisa ku sugan habeenkii Jimcada, waxaana la geeyay Saldhigga Booliska ee Kaardif Bey (Cardiff Bay).

Waxaa la sii daayay Sabtidii marka uu waqtiga ku beegnaa 08:30 GMT, booliskuna waxay ku laabteen abaare 22:30 kaddib markii uu dhintay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro qoyska Mr Xasan iyo saaxiibbadiis iyo waliba dhammaan bulshada ay dhacdadan saameynta ku yeelatay, gaar ahaan dhimashadiisa iyo waxyaabihii dhacay dabayaaqadii isbuuca,” ayuu yidhi Mr Michael, oo ah Taliyaha Laanta Dambiyada ee Booliska.

“Hadda waxaan ognahay in uusan jirin dhaawac jirkiisa ka muuqda oo sharrixi kara sababtii uu u dhintay, waana muhiim in aan sugno natiijada kama dambeysta ah ee ay soo wadaan kooxda baaritaanka madaxa bannaan sameysay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Boolsika Koonfurta Weelis (South Wales Police) ayaa sheegay in mar walba ay Laanta IOPC howsha ku wareejiyaan marka ay dhacdo dhimasho daba socotay arrin ay booliska ku lug lahaayeen.

Waxay dhankooda sheegeen in ilaa hadda aysan caddeyn u heynin awood xad dhaaf ah oo wiilkaas lagu waxyeelleeyay.

Qiyaastii 300 oo ruux ayaa bartamaha magaalada ku bannaan baxay kaddib markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan dhimashada wiilkaas.

Shacabka ayaa dalbanayay in booliska ay sharraxaad ka bixiyaan dhacdadaas, iyagoo sidoo kalena ugu baaqay in ay soo bandhigaan muuqaallada kaamirooyinka CCTV-ga ee saldhigga ku xiran.

Xigasho: Calanka Media

Leave a Reply