Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Degmada Feerfeer Ee Soomaliya

 

14-01-2021

 

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte ayaa gaaray Degmada Feerfeer ee Soomaaliya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Maamulka Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Melitiriga Gobolka Hiiraan, waxaana ay kormeeren mashaariic laga fulinayo Degmada Feerfeer ee Soomaaliya oo ugu horeeyso 2 barkadood oo halkaasi ku yaalla oo mid la dhisay halka mida kalena dib udayactir lagu wado.

Gudoomiyaha Degmada Feerfeer ee Soomaaliya ayaa ugu horeeyn masuuliyiinta ku soo dhaweeyey Degmada Feerfeer ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee xiligan ay tahay dhinaca biyaha, madaama deegaanka uunan laheyn Ceel Biyood. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply