Ciidamo Katirsan Kuwa Maamulka Galmudug Oo Gadood Sameeyay

 

14-01-2021

 

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta ay gadood sameeyeen ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan oo ku xareesnaa Xerada dhanka-roone oo dhawaan tababar loogu soo xiray ayaa gadoodkooda waxaa la sheegay in uu salka ku hayo arrimo la xiriira mushaarka oo ay sheegeen in aysan qaadan muddo lix bilood ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan iyo hub cul culus ay baro ka sameysteen Magaalada Gelinsoor, iyaga oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan.

Goobjoogayaal ku sugan Magalada Gelinsoor ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada iyo saraakiisha hoggamineysa ay sheegeen in aysan wadooyinka furi doonin ilaa laga siiyo mushaarka ay xaqa u leeyihiin, waxaana xusid mudan in weli aysan ka hadlin Madaxda Galmudug.

Magaalada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa siweyn looga dareemay gadoodka ay sameeyeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyada oo dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

25-kii bishii Desember ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ayaa sidaan oo kale waxaa gadood sameeyay ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan wallow markii dambe la xaliyay. – Radio Risaala

Leave a Reply