Wasiirka Warfaafinta Oo Wacyigelin Diiwaangelinta Codbixiyaha Ah Ku Tagay Degmadda Xuddun Ee Gobolka Sool

 

13/01/2021

 

Laascaanood (SOLNA) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koorre) oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka Sool ayaa gaadhay Degmada Xuddun ee gobolkaasi iyo deegnaada hoosyimaadda.

Wasiirka waxa halkaasi kusoo dhaweeyay bulshada deegaankaasi isagoo kala hadlay kuna wacyigeliyay inay ka faa’iideystaan mudada ay socoto Diiwaangelinta Codbixinta ee Gobolka Sool.

Wasiir Koorre ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay Masuuliyiinta Gudida Diiwaangelinta ee goobahaasi ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegnaada Gobolka Sool isagoo bulshada wacyigelinayay ahmiyadda ay leedahay Diiwan Gelinta Codbixintu.

Leave a Reply