Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Madaxda Warbaahinta

 

12-01-2021

 

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xilligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abokor Dubbe, iyo Kuxigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo ka qeybgalay kulanka. – Radio Muqdisho

 

Leave a Reply