Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Kulamo Ka Wada Magaalada Muqdisho

 

12-01-2021

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo arrimaha ka jira Deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili weli ay jiraan tabashooyin ka dhashay doorashadii Guudlaawe.

Kulanka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Wasiirka Amniga ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim iyo Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Cali Maxamed Geedi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta iyo Cali Guudlaawe ay ka wada hadleen sida xal looga gaari karo tabashooyinka weli ka jira doorashii ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhowr jeer isku dayay inuu tego Magaalada Baladweyne, hayeeshee waa uu ka baaqday, sababo la xiriira banaanbaxyo looga horjeedo isaga oo halkaas ka dhacay, sidoo kalena waxaa duleedka magaaladaas ciidamo ku heysta Gen. Xuud oo siweyn uga horjeeda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu madaxweynaha ka qeyb galay kulamo looga hadlaayay doorashada dalka ka dhaceysa.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply