Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Bedelay Mowqifkii Uu La Qaatey Xukuumada

 

12-01-2021

 

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa isaga oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho hal dhinac ah.

Qoor-Qoor ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ku garab istaagay xukuumadda go’aankeedii ahaa in la bilaabo doorashada iyada oo aan waqti kale la soo dhumin karin, hasse ahaatee waxaa muuqata in Madaxweynaha Galmudug markan qaatay go’aan ka duwan kii hore.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wareysigiisa ku yiri “Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho hal dhinac ah oo aan laga wada qeybgaleynin, doorashada waxaa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galo, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto loo qaban karo, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay dhinacyada ka soo horjeeda hannaanka doorashada oo sheegay in ay in uu ka been abuurtay kulankii ugu danbeeyay islamarkaana uusan dhinacooda ku soo celin jawaabtii ay ka sugayeen.

Laakiin mar uu arintaa ka hadlayay ayuu yiri ”Jawaabta waxaan u gudbiyay dad mas’uuliyiin ah oo markii horeba ay iyagu u xil saarteen dadaallada aan wadnay.”

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply