Taliye Biixi Oo Sheegay In DFS Cafisay Dhalinyarada Hubeyan Ee La Shaqeeya Kenya

 

11-01-2021

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo malmahaan booqasho ku jooga degaano katirsan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafisay raga hubeysan ee la Shaqeeya dowladda Kenya, sida uu sheegay.

Taliyaha oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay inay wiilashooda dib ugu soo celiyaan Beled-Xaawo, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay cafisay.

“Aniga oo ka Wakiil ah Madaxwyene Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxaan cadeynayaan inaan cafinay dhalinyarada huebysan ee la shaqeysay Al-Shabaab, hadii ay doonaan inay dib ugu soo laabtaan Beled-Xaawo mushaar xataa waan u qoreynaa ee dalkooda iyo dadkooda hala shaqeeyaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya aysan dooneyn dagaal, Dowlada kenyana aysan dagaal kula jirin, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin in dhalinyarada hubeysan ee ku sugan Duleedka Beled-Xaawo la soo celiyo.

Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa waxaa ku sugan ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxaana Dowladda Soomaaliya ay kal hore sheegtay in Dowladda Kenya ay soo hubeyneyso Maleeshiyaad, si ay khalqal u geliyaan Amniga Gobolka Gedo.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply