AMISOM Oo Is Hortaag Ku Sameysay Guddoomiyaha Beledweyne

 

11-01-2021

 

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Jabuuuti ayaa lagu soo warramayaa inay saaka is hortaag ku sameeyeen Guddoomiyaha Maamulka Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Mudane Cismaan Dhicisow Dhuubow.

Guddoomiyaha ayaa doonayey inuu gudaha u galo Garoonka Ugaas Khaliif, balse Ciidamada AMISOM ayaa u diiday inuu galo garoonka, si u soo dhoweeyo Wafdi Xildhibaano ah.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Dhicisow uu dib uga soo laabtay garoonka, kadib amarka ka soo baxay Saraakiisha Jabuuti ee gacanta ku heysa Garoonka Beledweyne.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo warbaahinta, si uu uga warbixiyo falka is hortaagga ah ee ay ku sameeyeen Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan laga dareemayo Magaalada Beledweyne.

Dhowr jeer oo hore Ciidamada Jabuuti ayaa mas’iuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan u diiday Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, hayeeshee si hoose loo xaliyey.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply