10-01-2021
MUQDISHO – Waxaa Caawa shir xasaaasi ah ah uu u socdaa Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana shirka dibad joog ka ah warbaahinta sida ay shegayaan warar hoose oo aan helayno.
Shirka ayaa ka socda Hotelka Decale oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku kulansan halkaa; Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida warar hoose ay sheegayaan shirka ayaa looga hadlayaa marxaladda siysaadeed ee dalka, waxaana si gaar ah ay Mas’uliyiintani kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka ee la isku mari la’yahay.
Xigasho: Radio Dalsan